Dowladda Federalka Oo Ka Hadashay Dhaqaale Burburka Uu Sababay Internet La’aanta Ka Jirto Koonfurta Soomaaliya

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in internet la’aanta mudo labo usbuuc ah ka jirto ka jirto Koonfurta Soomaaliya ay sababatay  khasaaro dhaqaale oo xoog leh.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Federalka Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in Internet la’aanta Koonfurta Soomaaliya ay sababtay in maalin walbo ay khasaarto $10 Milyan dollar taasoo ka dhigan in mudadii uu maqnaa dalka uu khasaaray $150 Milyan dollar.

“Khasaaraha ka dhashay maqnaanshaha Internet-ka waxa uu uu gaarayaa cel celis ahaan maalin walba in la khasaaro 10 Milyan oo Dollar” ayuu yiri Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Dowladda Federalka Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo u waramaayey Telefishanka Dowladda.

Internet la’aanta Koonfurta Soomaaliya ayaa timid kadib markii markab Badweynta Hindiya maraayey uu jarjaray Fiiladii Fiber Optic Cable ee Internet-ka soo gaarsiin jirtay magaalada Muqdisho oo adeegga Internetka looga sii baahin jiray deegaanadaku yaallo gobolada Koonfureed gaar ahaan maamul goboleedyada GalMudug, HirShabeelle, K/Galbeed iyo Jubbaland.

Shirkadaha isgaarsiinta Koonfurta Soomaaliya ayaa xiligan adeegsanaayo adeeg Internet daciif ah oo tayadiisa aad ay u liidato kaasoo lagu keenay Satellite Dish, waana mid go’go’ badan oo aan la isku haleyn karin.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here