SAWIRO: Ciidamada Puntland Oo Burburiyey Saldhigyo Maleeshiyada Alshabaab Ay Ku Lahaayeen Buuraha Golis

Ciidamadda nabadgelyada Puntland ayaa sheegay in burburiyeen saldhigyo maleeshiyaadka Alshabaab ay ku lahaayeen buuralayda Calmadow ee ka tirsan Silsiladda Buuraha Golis.

Ciidamada Puntland waxay sheegeen in weerarka ay ku dileen ilaa 18 qof oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab inta u socday howlgalka lagu burburinaayey saldhigyada Alshabaab ay ka sameysteen Buuraha Golis.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay in la burburiyey talisyo maleeshiyada Alshabaab ku lahaayeen deegaanadda Madarshoon, Diindigle, biyo Madow iyo Mariidle ee buuraha CalMadow.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada waxay gacanta ku dhigeen Hubka kala duwan iyo dawooyin maleeshiyada Alshabaab ay ku haysteen dhulka Buuraleyda ah ee u dhexeeyo gobolada Sanaag iyo Bari.

 

Howlgalka ciidamada Puntland ay ku burburiyeen ayaa yimid kadib markii bishii hore ee June ay Maleeshiyaad ka tiran ururka Alshabaab weerar gaadmo ah ku dileen 50 qof oo isugu jiray Askar ka tirsan Puntland iyo dad shacab ahaa.

Hoos ka daawo ciidamada Puntland oo Alshabaab ugu galay Buuraha Golis

Calmadow Calmadow0 Calmadow1 Calmadow2 Calmadow3 Calmadow4 Calmadow5 Calmadow6 Calmadow7 Calmadow8

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here