Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federalka Oo AMISOM Kala Wareegay Xaruntii Jaamacadda Gaheyr Ee Magaalada Muqdisho(Sawiro)

Ciidamada dalka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa maanta si rasmi ah uga guuray dhismihii Jaamacada Gaheyr oo ku dhowaad muda 10 sano ah ay saldhig u ahayd.

Jaamacadda Gaheyr waxay markii hore saldhig u ahayd maleeshiyada Alshabaab ka hor inta aysan ciidamada AMISOM ka saarin magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii.

Xaflad ka dhacday xarunta jaamacadda Gaheyr waxaa ka qayb galay Wakiilka midowga Afrika ahna madaxa AMISOM, wasiirka wabarashada Cabdiraxmaan Dr. Cismaan.

Xaflad Jaamacadda Gaheyr Xaflad Jaamacadda Gaheyr1 Xaflad Jaamacadda Gaheyr2 Xaflad Jaamacadda Gaheyr3 Xaflad Jaamacadda Gaheyr4 Xaflad Jaamacadda Gaheyr5

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here