Masjidka Barakeysan Ee Al-Aqsa Oo Maanta Aan Lagu Dukanin Salaadda Jimcaha

Ciidamada Yahuudda ayaa maanta Muslimiinta reer Falastiin ka joojiyey in Salaadda Jimcaha ku dukadaan Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.

Joojinta Salaadda Jimcaha ayaa timid ka gadaal markii ciidamada Yahuudda ay toogasho ku dileen saddex ruux Falastiini ah oo la sheegay inay weerareen askarta Yahuudda oo ku sugnayd magaaladaa Qudus.

Ragga Falastiiniyiinta ah ee weeraray Askarta Yahuudda ayaa la xaqiijiyey inay dhaawaceen 3 Askari oo labo ka mid ah dhaawacooda halis yahay.

Booliiska Yahuudda ayaa xiray dhammaan wadooyinka soo galo iyo kuwa ka baxo magaalada Qudus taasoo kaliftay Muslimiinta soo gaari waayaan Masjidka weyn Al-Aqsa.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here