R/Wasaaraha iyo Wafdigii la socday oo Qado Sharaf loogu sameeyey duleedka Kismaayo(Sawiro)

Kismaayo, 14, July 2017 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubnaha golaha Wasiirada ee ku weheliyey safarkiisa ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, taasi oo ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qadadani ay tilmaam u tahay sida ay xili waliba Jubbaland iyo shacabkeedu ugu heelan yihiin wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland iyo golleyaasha dawlad gobolleedka is-xilqaankooda isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay Jubbaland.

“Aadbaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed iyo dhamaan dawlad gobolledka jubbaland oo si weyn noo soo dhoweeyey runtii qada sharaftan ay noo sameeyeen waxaanu u aragnaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Jubbaland”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha iso wafdiga la socda ayaa qadada kadib, halkaas ku maalay geel, waxana ay tani kamid tahay sida ay shacabka Jubbaland ugu faraxsan yihiin la joogitaanka madaxda dawladda Federaalka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
media@opm.gov.so 
Ahmednur@opm.gov.so 
Twitter: @SomaliPM

Qado sharaf Kismaayo Qado sharaf Kismaayo1 Qado sharaf Kismaayo2 Qado sharaf Kismaayo3 Qado sharaf Kismaayo4 Qado sharaf Kismaayo5 Qado sharaf Kismaayo6 Qado sharaf Kismaayo7 Qado sharaf Kismaayo8 Qado sharaf Kismaayo9

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here