Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Sheegtay In Maanta Dayactir Lagu Bilaabay Fiiladii Internetka Soo Gaarsiin Jirtay Koonfurta Soomaaliya

Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in maanta la bilaabay qiimeynta halkii uu ka go’ay Internet-ka ee Badda gunteeda.

Agaasimaha ayaa sheegay in markabka sameyn lahaa Internetkii Koonfurta Soomaaliya oo laga keenay dalka Cummaan uu xiligan ku sugan yahay dekedda Muqdisho.

“Markabkii sameyn lahaa Dekedda ayuu ku xiran yahay, saakay ayuu aadayaa, halkii uu ka go’ay xargihii Internetka, waxaana uu bilaabi doonaa qiimeyn, kaddib ayuu guda galayaa sameyntii Internetka”ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo warbaahiinta gudaha la hadlay.

Khadkii Internetka ee ka jiray gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa muddo 3 usbuuc ah go’an kadib markii uu fiilada gooyey Markab keenay xamuul ganacsi oo xiligan ku xayiran dekedda magaalada Muqdisho.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here