Dhacdo Argagax Leh: Aabe Wiilkiisa 10 Xabo Rasaas Ah Ku Dhuftay Dalka Masar(Video)

Magaalada Asyuudh ee dalka Masar waxaa ka dhacday dhacdo argagax leh kadib markii Aabe uu dilay wiil uu isaga dhalay kaasi oo Aabaha gacan-ku-dhiiglaha ah ka horjoogsaday inuu garaaco/tumo hooyadiisa.

Aabaha wiilka dhalay oo aad u xanaaqsan ayaa la soo baxay Bistoolad, wuxuuna rasaas  gaareyso 10 xabo ku dhuftay ilaa uu dhaqdhaqqaqa joojiyo, wiilka markii la dilaayey wuxuu ku dul dhacay hooyadiisa.

Dadka deriska la ah qoyskan ayaa sheegay in ninka wiilkiisa dilkan foosha xun u geystay uu 65 sano jir yahay, wuxuu ninkan 3 bilood ka hor tooreey ku dhuftay Xaaskiisa balse Booliiska ayaa ninkan xabsiga ka soo daayey 15 maalin oo xabsi ah kadib.

Kaamiradaha Qarsoodiga ah ayaa duubay muuqaalka dhacdadan, ha daawanin haddii aad jilcan tahay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here