Hubanti La’aan Ka Jirto Nolosha Afhayeenkii Ururka Alshabaab Cali Dheere

Wargeys wax ka qoro arimaha Ammaanka iyo Sirdoonka oo lagu magacaabo Sofrep  ayaa baahiyay in duqeyn ka dhacay tuulada Kuunyo Barrow lagu dilay Afhayeenkii Kooxda Alhabab Cali Maxamuud Raage(Cali Dheere).

Wargeyska oo soo xiganaayo Afhayeen u hadlay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Africa(AFRICOM) ayaa sheegay in duqeynta diyaaradeed ee lagu dilay Cali Dheere ay  ka dhacday gobolka Sh/hoose habeenkii Khamiista, waxaana lala dilay saraakiil iyo maleeshiyaad tiro badan oo kooxda Alshabab ka tirsanaa.

Dhanka kale Alshabaab oo xaqiiqada dilka Cali Dheere laga sugaayo ayaanan weli wax war ah ka soo saarin sheegashada ciidamada Milateriga Mareykanka.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here