Shacabka Ku Dhaqan Deegaano Ka Tirsan Gobolada Dhexe Oo Bilaabay Adeegsiga Lacagta Birta Itoobiya

Kadib markii qaybo ka mid ah gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ay ka socon weysay lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaayo in deegaanadaasi qaarkooda laga bilaabay adeegsiga lacagta Birta Itoobiya.

Goobaha lagu arkay lacagta Birta Itoobiya waxaa ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud gaar ahaan deegaanadii dhowaan laga diiday adeegsiga Shilin Soomaaliga.

Sidoo kale, lacagta Itoobiya ayaa gaartay deegaano gobolada dhexe ka tirsan oo  dhowaan maleeshiyada kooxda Alshabaab ay ka mamnuuceen Shilinka Soomaaliga.

Lacagta Itoobiya ee loo yaqaano Ethiopian Birr ayaa noqotay mid si tartiib tartiib ugu soo fideyso gobolada dhexe, waxaana laga cabsi qabaa in arintani sababto jahowareer dhaqaale oo horleh maadaama aanay ahayd lacagta Standard ah oo sicirkeeda laga diiwaan geliyey Bankiga dhexe ee dalka.

Maamul goboleedka Puntland ayaa lagu eedeeyey inay soo daabaceen Shilin Soomaali cusub oo markii uu suuqa soo galay abuuray xaalad dhaqaale xumo cusub taasoo sababtay in Shilin Soomaaliga laga diido deegaano badan oo gobolada dhexe ku yaallo.

Maamulka Puntland ayaa beeniyey inay soo daabaceen Shilin Soomaali cusub iyagoo sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay ka dambeyso diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here