Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federalka Oo Buuxinaayo Booskii Maxkamadda Dastuuriga

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Feralka Cabdi Xaashi ayaa sheegey in Aqalka Sare uu buuxin doono booska maxkamadda Dastuuriga ah oo aanan iyada wali la dhisan.

Gudoomiyaha ayaa isagoo u waramayey warbaahinta maxaliga ah waxaa uu sheegey in arin kasto oo ay isku khilaafaan madaxda dowladda dib loogu soo celin doono Golaha Aqalka Sare si uu go’aan uga gaaro.

Golaha Aqalka Sare ayaa howshan qaban doono ilaa iyo inta laga dhisayo maxkamadda dastuuriga ee dalka Soomaaliya.

Maxkamadda Dastuuriga ayaa ah hay’adda sharciyadeed ee dalka ugu sareysa, taasi oo xitaa go’aan ka gaari karta muranada waaweyn ee dastuuriga ah ee ay isku qabtaan madaxda dowladda.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here