Muqdisho: Guri Xoog Lagu Haystay 27 Sano Oo Maanta Milkiyadiisa Lagu Wareejiyey Qosykii Lahaa

Waxaa maanta gurigooda oo xoog lagu haystay muddo 27 sano dib loogu celiyey caruur uu dhalay marxuum Maxamed Ibraahim Uunlaaye oo ahaa Ganacsade/Samafale caan ka ahaa magaalada Muqdisho berisamaadkii dalka ay ka jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dacwadda Guriga ee lagu kala baxay oo muddo soo jiitameysay ayey Maxkamada Gobolka Banaadir ugu dambeyn waxay maanta u xukuntay caruurta marxuum Maxamed Ibraahim Uunlaaye.

Qoladii Guriga Xoogga ku deganeyd ayaa waxay ku andacoonayeen in iyaga laga iibiyey Guriga oo markii horeba Maxamed Ibraahim Uunlaaye uu qaab waqaf ah u bixiyay, sidaasna ay guriga ku heleen.

Waxaa maxkamadda la horkeenay Warqad Sabarloogo ah oo cadeyneyso in milkiilaha Guriga uu u hibeeyey wiilashiisa oo kala ah: Yuusuf Maxamed Ibraahim Uunlaaye iyo Ibraahim Maxamed Ibraahim Uunlaaye

Qaadiga maxkamada Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh C/llaahi oo xukunka riday ayaa sheegay in hantida waqafka aan la iibin karin isla markaasina goobta ka caddeeyey in Milkiyadda guriga ay iska leeyihiin Yuusuf Maxamed Ibraahim Uunlaaye iyo Ibraahim Maxamed Ibraahim Uunlaaye.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa weli ka jiro in xoog la iskaga haysto guryaha shacabkii dalka ka qaxay kadib markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya 1991-kii.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here