Ciladii Internetka Ee Ka Jirtay Koonfurta Soomaaliya Oo Maanta La Xaliyey

Waxaa dib maanta hawada ugu soo laabtay Adeeggii Internetka oo in ka badan 3 usbuuc ka go’naa gobolada koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Markab Xamuul ah ayaa gooyey fiiladii Fiber Optic Cable ee adeegga Internetka soo gaarsiin jirtay Koonfurta Soomaaliya taasoo keentay in muddo 3 usbuuc ka badan Internet la’aan ahaadaan gobolada Koonfurta marka laga reebo adeeg tacbaan ah oo ka shaqeynaayey goobaha ganacsiga iyo xafiisyada dowladda qaarkood.

Waxaa baraha bulshada gaar ahaan Facebook lagu arkaayey daqiiqadihii ugu dambeeyey dhalinyaro qurbajoog iyo daljoog isugu hambalyeynaayo soo laabashada adeegga internetka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here