Baarlamaanka Puntland Oo Kalsoonida Kala Laabtay Golaha Wasiirada Puntland

Shir Xildhibaanada maamulka Puntland ay kuyeesheen magaalada Garoowe waxay kalasoonida kala laabteen Golaha Wasiirada Puntland.

42 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa la sheegay inay maanta saxiixeen Mooshin kalsoonida lagala noqonaayo Wasiirada Puntland iyagoo arintan ku sababeeyey howl gudasho la’aan.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka jiray deegaanada Puntland guux siyaasadeed oo la xiriiray sida loo isticmaalay dhaqaale Puntland ay ka heshay Dowladda Imaaraadka Carabta kadib markii Imaaraatka lagu wareejiyey dekedda magaalada Boosaaso.

Arintan waxay Puntland qalalaaso siyaasadeed maadaama aanay sahlaneyn in 67 wasiir cusub la soo dhiso hadda kadib.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here