Qaramada Midoobey Iyo Dowladda Kenya Oo Isku Waafaqay In Qaadka Uu Yahay Daroogo Halis Ku Ah Caafimaadka Dadka

Dhowr sano ka hor, hay’adda Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in cilmi baaris lagu ogaaday in maandooriyaha Qaadka uu yahay Daroogo halis ku ah Caafimaadka Bani-aadamka.

Cilmi baarista Qaramada midoobey waxaa si adag u diiday dowladda Kenya oo dhaqaale xooggan uu ka soo galo ganacsiga maandooriyaha Qaadka isla markaasina u ah il-dhaqaale oo lagu xisaabtamo dakhliga ka yimaado.

Todobaadkii hore, Wasaarada caafimaadka dalka Kenya ayaa warbixin ay soo saartay waxay Qaadka ku tilmaamtay inuu halis ku yahay caafimaadka Bani aadamka iyadoo Qaadka ku dartay Liiska Daroogada khatarta ah.

Warbixinta ay soo saartay wasaarada Caafimaadka Kenya waxaa ku xusan in Qaadka uu sabab u yahay astaamo caafimaad darro halis ah sida: Hoos u dhaca garaaca wadnaha, Cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca, miisaanka qofka isticmaalo Qaadka oo hoos u dhaco mindhicirada oo xirmo iyo dhidid badan.

Dowladaha UK, USA iyo Sweden ayaa Qaadka u aqoonsaday Daroogo halis ah balse dowladda Kenya ayaa dadaal badan ku bixineyso in dowladahan qanciso si aan dhaqaale burbur ugu imaanin beeraleyda Qaadka oo Suuqooda ugu weyn yahay dalka Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here