R/wasaaraha Dalka Australia Ayaa Ka Hadlay Dil Loo Geystay Haweeney Australian Oo Dilkeeda Lagu Eedeeyey Askari Somali-American Ah

Ra’iisulwasaaraha dalka Australia Malcolm Turnbull ayaa garsoorka dalka Mareykanka ka dalbaday in ay shaaraxaad ka bixiyaan dil haweeney u dhalatay dalka Australia loogu geystay magaaladda Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Dilka haweeneydan oo lagu magacaabo Justine Damond waxaa geystay Maxamed Nuur oo ah Askari Somali-American ah isla markaasina ah askarigii ugu horeeyey ee asalkiisa Soomaali yahay ee ku biiray Booliiska dalka Mareykanka.

Ra’iisulwasaare Malcolm Turnbull oo dilkaasi ku tilmaamay mid argagax leh ayaa ugu baaqay Qunsulka guud ee Australia u fadhiyo magaaladda Chicago inay wax ka waydiiyaan saraakiisha Mareykanka dilka Justine Damond loogu geystay iyadoo gurigeeda joogto.

Justine Damond oo 41 jir ahayd asal ahaan ka soo jeeda magaalada Sydney ee dalka Australia ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis, ka dib markii ay iyadu u yeertay Booliis iyada oo ka shakiday in ay macquul tahay in uu fal dambiyeed dhaco.

Saraakiisha Booliiska dalka Mareykanka ayaa sheegay in qori uu watay Maxamed Nuur ay ka dhacday labo xabo rasaas taasi oo dishay Justine Damond.

Bulshada Soomaalida ku dhaqan magaalada Minnesota ee gobolka Minneapolis ayaa walaac xoogan ka muujiyey falka dilka ah ee lagu soo eedeeyey Maxamed Nuur oo ah qofkii ugu horeeyey ee isagoo Soomaali ah ku biiray Booliiska Mareykanka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here