Gudoomiyaha Degmada Dharkeenley Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xubno Ka Tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Dalka Sacuudiga(Sawiro)

Gudoomiyaha degmada Dharkeenley C/raxmaan Siidcali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya.

Xubnaha Jaaliyadda ee uu qaabilay gudoomiyaha degmada Dharkeenley waxaa ka mid ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Jaaliyadda Eng Cabdulaahi Xasan Maclin Buuni, Xoghayaha Jaaliyadda Ismaaciil Xaaji Ibraahim(Jeego) iyo xubno kale.

Gudoomiyaha iyo Jaaliyadda ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa adeegyada aasaasiga ee ay u baahan tahay bulshada Soomaaliyed ee ku dhaqan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye C/raxmaan Siidcali ayaa ugu baaqay qurbejoogta Soomaaliyeed inay kaalintooda ka qaataan horumarinta adeegyada ay u baahan tahay bulshada degmada Dharkeenley.

Hoos ka daawo sawirada kulanka gudoomiye C/raxmaan iyo xubnaha Jaaliyadda Sacuudiga

Xubno ka tirsan Jaaliyadda Sacuudiga (1) Xubno ka tirsan Jaaliyadda Sacuudiga (2) Xubno ka tirsan Jaaliyadda Sacuudiga (3) Xubno ka tirsan Jaaliyadda Sacuudiga (4) Xubno ka tirsan Jaaliyadda Sacuudiga (5) Xubno ka tirsan Jaaliyadda Sacuudiga (6) Xubno ka tirsan Jaaliyadda Sacuudiga (7)

 

SHARE

1 COMMENT

  1. Mgacayga waxaa la dhahaa Axmed Siraad.
    waxaan idiin rajaynayaa dadaal wanaagsan. saan ognahay waxaa noo taalo shaqo aad u badan oo kala duwan, taas oo loo baahan yahay in subaca qof walba uu dhiniciisa ka qaato. Friintaan waxaan jeclahay in gudoomiya Cabdullahi buuni si gaara loo gaadhsiiyo.
    waad mahadsan tihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here