Alshabaab Oo Sii Daaysey Qaar Ka Mid Ah Odeyaal Labo Bil Ka Hor Ay Ka Afduubteen Gobolka Sh/hoose

Kooxda Alshabaab ayaa shaley sii daayey qaar ka mid ah tiro odeyaal oo ay ka afduubteen 2 bil ka hor deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Alshabaab waxay odeyaashan afduubteen bartamaha bishii Shacbaan oo hadda laga joogo wax ka badan 2 bil.

Odeyaasha la afduubay oo lagu haayey deegaanada Mubaarak iyo Tooratoorow ayaa qaarkood xabsiga ugu geeriyooday harraad iyo raashin xumo kadib markii Alshabaab ay diideen cunto iyo biyo. Tirada odeyaasha la soo daayey ayaa ah dhowr iyo labaatan odey, waxaana weli maqan tiro kale.

Alshabaab ayaa weli afduub ahaan u haysto odeyaal tiradooda ay ka badan tahay 26 qof kuwaasoo maleeshiyada Shabaab ay ka qafaasheen iyagoo joogo beerahooda ama xoolo daaqsanaayo.

Sidoo kale, waxaa weli maqan kumanaano xoolo oo isugu jro Geel iyo Ari kuwaaso Alshabaab ay ka dhaceen dadka masaakiinta ah ee ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyey beegsanaayey xoolaleyda iy beeraleyda ku dhaqan gobolka Sh/hoose gaar ahaan kuwa ka soo jeedo beesha Biimaal. Ilaaa hadda dadka Alshabaab u afduuban iyo xoolaha weli maqan waxaa iska leh beesha Biimaal.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here