Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Baaqay In Si Deg Deg Ah Lagu Joojiyo Colaad Ka Jirto Degmada Xeraale Ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaalka ka socdo degmada Xeeraale ee gobolka waqooyiga gobolka Galgaduud.

Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in colaadda ka taagan Xeraale ku tilmaamay nasiib darro isla markaasina ah arin aan xiligan loo dulqaadan karin.

Waxaa uu madaxweynaha sheegay in Dowladda Federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaadda iyadoo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas loo diraayo dhowaan waqooyiga gobolka Galgadud oo dhibaatadan ay ka dhacday.

“ Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso umana dulqaadan doonto in ay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo, deegaanka colaadda ka dhacday waxaan u direynaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku dhimatay dagaal culus oo shaley gelinkii dambe ka qarxay degmada Xeraale kaasi oo u dhexeeyo dadka deegaanka iyo ciidamo ka amarqaato kooxda Ahlu Sunna oo ka yimid dhanka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here