Somaliland Oo Sheegtay Inay Garab Taagan Tahay Jamhuuriyadda Jabuuti Haddii Khatar Uga Timaado Dhanka Dowladda Eritrea

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Jabuuti haddii halis ay uga timaado dowladda Eritrea oo uu muran kala dhexeeyo.

Waxaa uu sheegay wasiirka in Somaliland aysan gacmaha ka laaban doonin daandaansiga dowladda Eritrea ay ka wado xuduudda ay la wadaagto Jamhuuriyadda Jabuuti gaar ahaan jaziiradda lagu muransan yahay lahaashaheeda ee Dumeyra.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay yihiin walaalo ah oo ay isku xirto marka laga yimaado deris-wadaagnimada.

Xiisadda u dhexeyso dalalka Jabuuti iyo Eritrea ayaa soo cusboonaatay kadib markii dowladda Jabuuti ay hoos u dhigtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Qatar taasoo sababtay in ciidamadii nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee dalka Qatar ka socday isla markaasina saldhigga ku lahaa dhulka xuduudda ah ee Jabuti iyo Eritrea ay ku muransan yihiin inay iskaga baxaan halkaasi.

Beesha Caalamka ayaa dalalka Jabuuti iyo Eritrea ugu baaqday inay xiisadda qaboojiyaan isla markaasina wixii khilaaf ah lagu dhameeyo iyadoo la raacaayo xeerarka dowliga ah.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here