Dowladda Soomaaliya Oo Maanta La Wareegeyso Maxaabiis Soomaali Ah Oo Ku Xirnaa Xabsiyada Itoobiya

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku soo wajahan diyaarad ay saaran yihiin in ka badan 100 Maxbuus oo Soomaali ah kuwaasoo waqti dheer ku xirnaa xabsiyadda dalka Itoobiya.

Maxaabiistan oo u badan dhallinyaro ayaa waxaa sii deysmadooda la isku raacay markii ra’iisul wasaare Kheyre uu dowladda Itoobiya kala hadlay xaaladda maxaabiista u dhashay dalka Soomaaliya ee ku xiran xabsiyada Itoobiya.

Diyaaradda wado maxaabiistan ayaa la filaya in maanta ay soo gaarto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa garoonka ku sugooyo maxaabiistan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya.

Xabsiyada dalka Itoobiya waxaa ku xiran dhalinyaro fara badan oo Soomaali ah kuwaasoo qaarkood la soo xiray xiligii ciidamada Itoobiya ay soo galeen magaalada Muqdisho oo ay maxaakiimta ka saareen Koonfurta Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here