Orgi Geeso Dhaadheer Leh Oo Dad Ku Dhaawacay Magaalada Garowe Ee Xarunta Puntland

Todobo qof ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud kadib markii Orgi careysan oo geeso dhaadheer leh uu weeraray dadkan oo ku sugnaa mid ka mid ah wadooyinka magaalada Garoowe.

Weerarka orgigan uu geystay ayaa dhacay Wadada 30-ka ee magaalada Garoowe, geesihiisa oo dhaadheer darteed waxaa aad u adkaatay in orgigan loo helo qof ka agdhowaato oo soo qabto.

Muddo kadib ayey dhalinyaro xaafadeed ku guuleysteen inay soo qabtaan orgigan khalkhal geliyey mid ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe.

Ma ka baqeysid Qarax iyo toogasho haddii aad joogto magaalada Garoowe balse waxaa dhici karto in dhacdooyinka noocaan oo kale ah aad la kulanto. Magaalada Garowe waxaa ka jiro amni iyo xasilooni aan ka jirin gobolada dalka Soomaaliya.

Orgi

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here