Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Federalka “Waxaan Ku Guuleysanay Qorshe Hal Milyan Oo Neef Loogu Dhoofinayo Dalka Sacuudiga”

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha  dowladda federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay inay ku guulaysteen qorshe boqortooyadda sucuudiga loogu dhoofinayo hal milyan iyo boqol kun oo neef xiliga xajka.

“Wadahadalo muddo qaatay kadib waxaan ku guulaysanay in boqortooyadda Sacuudiga u dhoofino xoolo cadadkooda dhan yahay 1 milyan iyo boqol kun oo  xoolo nool ah, wasaaradda waxay ka qayb qaadan doontaa kobcinta xoolaha si ay dadka uga faa’iidaystaan khayraadka aynu haysano” ayuu yiri Sheekh Nuur oo ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha isagoo la hadlaayey warbaahinta dalka.

Waxaa uu Wasiirka sheegay in xukuumada ay ka go’an tahay in dadaal joogta ah ay ku bixiso in dib loo furo xiriirka ganacsiga xoolaha ee aan la leenahay boqortooyadda Sucuudiga, wuxuu xusay in meel fiican marayaan wadahadalo ay leeyihiin xukuumadda sucuudiga, rajo weyn uu ka qabo in wadahaladaasi ay guul ku dhammaan doonaan.

Dalalka sucuudiga iyo imaraadka carabta ayaa hore u  hakiyey xoolihii looga soo dhoofin jiray dalka Soomaaliya, arintan ayaa si weyn u dhaawacday dhaqaalaha dalka Soomaaliya oo lacag adag ay ka soo geli jirtay dhoofinta xoolaha Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here