Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Afgooye Oo Lagu Wado In Loo Magacaabo Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Shabeelaha Hoose

Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye Cabdiqani Yuusuf Booli-moog ayaa lagu wadaa in dhowaan loo magacaabo Taliyaha Nabadsugidda Gobolk Shabeelada hoose.

Warar ay heleyso Shabakada shalamabood.comĀ oo ay kasoo xigatey illo wareedyo lagu kalaoon yahay ayaa sheegaya in siyaaaiyiin caan ah ay ka shaqeenayaan sidii C/qani Booli-moog loogu magacaabi lahaa Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Sh/hoose.

Gudoomiye C/qani Booli-moog ayaa la sheegay in rag siyaaaiyiin ah oo ay isku hayb yihiin ay ku qanciyeen inuu la heshiiyo Madaxweynaha K/galbeed oo xurguf siyaasadeed ay dhexmartay. Mr. C/qani Booli-moog ayaa hadda deegan mid ka mid ah Hoteelada magaalada Muqdisho.

Waxaa la saadaalinayaa in C/qani Booli-moog uu markan u muuqdo mid ku qanacsan xilka lagu wado in loo magacaabo kaasi oo ah Taliya Nabadsugidda gobolka Shabeelada hoose.

C/qani Booli-moog oo ah gudoomiyihii ugu tayada fiicnaa ee soo maray degada Afgooye ayaa waxaa si lama filaan ah xilka uga qaaday madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan kadib markii kooxo mooryaan ah ay Shariif Xasan u gudbiyeen ashtako ka dhan ahayd gudoomiyhii hore ee degmada Afgooye C/qani Booli-moog.

Talaabada Shariif Xasn uu uxilka uga qaaday gudoomiyaha ayaa dhalisay khilaaf xooggan oo u dhaxeeyo Shariif Xasan iyo Waxgaradka degmada Afgooye oo la safnaa gudoomiye C/qani Booli-moog.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here