Maamulka HirShabeelle Oo Dhowaan Magaca Laga Bedelaayo

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay inay ka fikirayaan sidii magaca looga bedeli lahaa magacan oo u muuqdo inaan laga fiirsanin markii lau dhawaaqayey.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay inay doonayaan sidii ay maamulkiisa loogu lahaa magac qiimo leh.

“Magaca Hirshabeelle waa magac oo kaliyah waana la badali karaa, run ahaantii magaca Hirshabeelle macno weyn ma sameynayo, waxaad eegta maamullada kale ee dalka ka jira magacyadda loo bixiyay  sida Puntland iyo K/Galbeed, waxaa noo furan in aan iska badalno magaca Hirshabeelle oo aan baxsano magac qiimo badan sida ay sameeyeen oo kale Puntland iyo Koonfurgalbeed Soomaaliya, oo aan ka tagno magaca Hiiraan iyo Shabeelle.” ayuu yiri C/laahi Cosoble.

Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble wxu sheegay in dhawaan baarlamaanka maamlka HirShabeelle loo gudbinayo qorshaha magac bedelidda ee la damasan yahay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here