Dowladda Federalka Oo U Muuqato Inay Lugaha La Gashay Qalalaaso Dastuuri Ah XiliDastuurka Uu Qabyo Yahay

Waxay u muuqataa in dowladda Federaalka ay markale gashay qalalaase dastuuri ah. Baarlamaanka Federalka ayaa maalin hore cod aqlabiyad ah ku diiday go’aan ay gaartay maxkamadda sare oo ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8 kursi Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ah kuwaasoo horey loogu murmay.

Wasiirka Dastuurka oo codeynta Baarlamaanka kadib halshay wuxuuna sheegay inay qalad tahay in la faro galiyo madaxbanaanida garsoorka dalka.

Dhanka kale, Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo horey u sheegey in uu buuxinayo kaalinta maxkamadda dastuuriga ah ayaa sheegey in uu arrintan dib u eegis ku samaynayo isla markaasina go’aana ka soo saari doono khilaafka iyo jaharwareeerka taagaan.

Waxyaabaha la isku hayo oo dhan waxay ku qotomaan dastuurka dalka oo aan weli la dhameystirin, waxaan sidoo kale aan dalka ka jiron Golaha adeegga garsoorka iyo Maxkamad Dastuuri ah oo khilaafyada noocaan xal ka gaari lahayd.

Khilaafka hadda taagan oo kale ayaa dalka ka dhacay sanadii 2012-ka, waxayna noqotay arin xalkeeda adag yahay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here