Ciidamada Sirdoonka Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Madaxii Dhaqaalaha Ururka Alshabaab C/risaaq Calool Geel(Sawiro)

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamada Puntland gacanta ay ku dhigeen madaxii madaxii dhaqaalaha iyo Loojistikada Alshabaab ee gobolka Mudug C/risaaq Tahliil Calool Geel.

C/risaaq Xuseen Tahliil iyo saddex qof oo kale ayaa la qabtay kadib markii ciidamada Sirdoonka Puntland ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayey Maxkamadda ciidamada Puntland sanadkii 2013 ku xakuntay dil toogasho ah kadib markii dhammaadka sanadka 2012 lagu qabtey Gaalkacyo isaga oo wada boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana qirtey inuu yahay ururka Alshabaab.

Ninkan ayaa xabsiga Puntland laga sii daayay dhamaadkii sanadkii 2014-kii, kadib markii labo qof oo ka soo jeedo deegaanada Puntland Afduub loogu qabsaday Koonfurta Gaalkacyo taas oo keentay in qaab nabad ah la isku dhaafsaday Cabdirasaq Tahliil (Calool Geel) iyo dadkii shacabka ahaa ee dartiisa loo afduubtay.

Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geelayaa lagu eedeyay sii deyntiisii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

C/risaaq Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28/09/2016 Ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Puntland iyo Galmudug ayaa weli ka hadlin qabashada madaxii dhaqaalaha iyo Saadka Al-Shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug Cabdirasaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo horey looga siidaayay xabsiga Puntland.

Waxaa Warbaahinta u xaqiijiyey qabashada C/risaaq Calool Geel nin walaalkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Tahliil kaasii oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, waxaana uu ku eedeeyey Puntland in ay Mareykanka u kaashatay xariga Cabdirisaaq Xuseen Tahliil.

Calool Geel Oo Galkacyo lagu qabtay sanadkii 2012-dii
Calool Geel Oo Galkacyo lagu qabtay sanadkii 2012-dii

Calool Geel1

C/risaaq Calool Geel oo horfadhiyo Maxkamadda Garoowe 2013-dii
C/risaaq Calool Geel oo horfadhiyo Maxkamadda Garoowe 2013-dii
SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here