Shir U Dhexeeyo Dowladda Somalia Iyo Howlgalka AMISOM Oo Ka Socdo Magaalada Muqdisho(Sawiro)

Shir u dhaxeeya madaxda Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ayaa maalinimadii shaley ka furmay xerada ciidamada Xalane ee magaalada Muqdsiho, shirka wuxuu socon doona afar maalin.

Waxaa ajendaha shirkan yahay sidii Ciidamada Soomaaliya loogu diyaarin lahaa inay la wareegaan mas’uuliyada ammaanka dalka marka la gaaro bixitaanka ciidamada AMISOM ay ka baxayaan dalka Soomaaliya.

Madaxda labada dhinac ee shirkan ka qayb galaayo ayaa kala ah Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha ciidamada iyo saraakiisha, Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya, Saraakiisha sar sare ee AMISOM, saraakiil ciidan ka socota Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka.

Madaxda ka qayb galayso shirkan ayaa khudbado kala duwan jeediyey iyadoo xoogga la saaray ammaanka dalka Soomaaliya iyo dardar gelinta dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

 

AMISOM and SOMALIA AMISOM and SOMALIA1 AMISOM and SOMALIA2 AMISOM and SOMALIA3 AMISOM and SOMALIA4 AMISOM and SOMALIA5 AMISOM and SOMALIA6

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here