Ciidamada AMISOM Oo Laga Dalbaday Inay Ka Guuraan Garoonka Kubbadda Cagta Muqdisho(Mogadishu Stadium)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo ka qayb galaayey kulan madaxda AMISOM ay fadhyeen ayaa howlgalka AMISOM ku wargeliyey inay si dhaqso ah uga guuraan xarumo muhiim u ah adeegyada bulshada ku dhaqan caasimadda Soomaaliya.

Madaxda howlgalka AMISOM ayaa sheegay inay banneynayaan garoonka Mogadishu Stadium iyo xarumaha kale ee loo arko inay ka qayb qaadanayaan bilicda caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa Mogadishu Stadium kala wareegay mintidiinta Alshabaab sanadkii 2011-ka xiligaasoo amniga magaalada Muqdishu uu ahaa mid aad halis u ah, wuxuuna garoonkan ahaa goobaha laga difaaco madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo guud ahaan magaalada Muqdisho.

Todobaadkii hore ayey ciidamada AMISOM ka guureen xaruntii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka mid ah goobaha saldhigga u ahayd howlgalka AMISOM.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here