Dowladda Hindiya Oo Dhowaan Dowladda Soomaaliya Ku Soo Wareejineyso 118 Maxaabiis Soomaali Ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in horaanta Bisha August ay wafdi u direyso dalka India kuwaas oo dowladda Hindiya kala soo wareegaya 118 Maxbus Soomaali ah kuwaasoo u badan Burcad badeed lagu qabtay howlgal.

Ra’isalwasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in 1da Bisha August ay Dalka India u safri doonaan Wasiirka garsoorka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka si ay goobjoog uga noqdaan xukun lagu ridaayo Maxaabiistaas kadibna loo soo wareejin doono dalkooda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Mahadi Maxamed Guuleed in ay qabsadeen garyaqaano caalami ah oo Kiiskaasi ay u kaashanayaan, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhowaan maxaabiistaas Soomaaliyeed ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Maxaabiista ku xiran dalka Hindiya ayaa badankooda ka soo jeedo deegaanada GalMudug iyo Puntland oo ah deegaanada ku caan baxay Burcad Badeeddii sumcadda xumida u keentay dalka Soomaaliya.

Dowladda cusubaee Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo ka yar hal sano ay dhammaan Maxaabiista ku xiran dalalka Caalamka Muqdisho lagu soo wareejin doono.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here