Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Oo Maanta Ansixiyey Degmooyin Dhowaan La Magacaabay

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ku ansixiyay degmooyin cusub oo dhowaan uu magacaabay madaxweynaha Puntland Dr. Abdiwali Gaas.

Baarlamaanka wuxuu si rasmi ah u aqoonsadey Afar degmo oo horey madaxweynaha Puntland u magacaabay kuwaasoo ka ka kala tirsan gobolada Puntland.

Degmooyinka cusub ee uu baarlamaanka ansixiyay ayaa kala ah Bursaalax, Shaxda, Xumbeys iyo Dhudhub.

Waxaa soo xaadiray kulanka Baarlamaanka maanta 44 xildhibaan, waxaana u codeeyey magacaabista 4ta degmo 39 xildhibaan, waxaa ka aamusay 4 xildhibaan, waxaana diiday hal xildhibaan.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here