Meydka Agaasimihii Xogta Xiriirka iyo Teknoolijiyada ee Guddiga Doorashooyinka Kenya Oo La Helay

Waxaa la helay maydka Agaasimihii xogta xiriirka iyo farsamada Tegnoolijiyada ee Guddiga Doorashooyinka Kenya Chris Musando, oo la weysanaa ilaa maalintii sabtidii la soo dhaafay.

Chris Musando waxaa qoyskiisa ay waayeen maalintii Axadda oo ay wargeliyeen Booliiska dalka Kenya, baaritaano iyo howlgalo socday waxaa markii hore la helay gaarigiisa oo yaal wadada Thika Road, saacado kadibna waxaa Meydkiisa oo gacan ka maqantahay laga helay deegaanka Kikuyu oo ka tirsan degmada Kiambu.

Waxaa sidoo kale Chris Musando maydkiisa lala helay maydka qof haweenay aan la aqoonsanin ilaa hadda taasi iyadana taalay meel aan ka fogeyn meydka Chris Musando.

Waxaa uu ninkan ahaa shakhsiyaadka tirada yar ee wax badan ka ogaa diyaargarowga doorashada , farsamo tignoolijiyad ahaan iyo weliba xarumaha ay ka howlgalayaan guddiyada iyo meelaha shaqada ka socoto.

Dalka Kenya waxaa la qorsheynayaa inay doorasho ka qabsonto 8-da bisha August oo ku beegan hal todobaad kadib.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here