Dhageyso Maamulka Degmada Marka “Dagaalka Magaalada Marka Ka Socdo Wuxuu U Dhexeeyaa Ciidamada Dowladda Alshabaab, Ma Jiro Wax Dagaal Qabiil La Yiraahdo”

Gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Cali Yariisow oo warbaahinta uga warbixinaayey dagaal shaley ka dhacay magaalada Marka ayaa sheegay in dagaalka magaalada Marka uu u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada kooxda Alshabaab isagoo meesha ka saaray inuu magaalada ka jiro dagaal beeleed.

Gudoomiye Yariisow ayaa si kulul u beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta u janjeerto maleeshiyada Alshabaab kaasi oo sheegayey in dagaalka magaalada Marka uu yahay dagaal beeleed.

Maleeshiyada Alshabaab oo gacanta ku haayo xaafadaha bari ee magaalada Marka ayaa shaley subaxdii qabsaday Sarta Maano Xaajow oo ku taallo xaafadda Horseed ee magaalada Marka, waxay maleeshiyada Alshabaab shaley oo dhan burburin ku hayeen qaybo ka mid ah guriga Maana Xaajow oo ay ka raadinayeen Hub la sheegay inuu guriga dhexdiisa ku duugan yahay.

Hoos ka dhageyso hadalka gudoomiye Yariisow

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here