Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi. Dilka oo ka dhacay xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa fuliyey kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsanin.

Wararka ayaa sheegaya in nin walaalkiisa ahaa oo lagu magacaabayey Xasan Nuur lala dilay Guddoomiyaha gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Koox hubeysan ayaa caawa la sheegay inay nin Nabadoon ah ku dileen degmada Dharkeenley, nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Geeddi Firdhiye, waxaana la toogtay xilli uu ka soo baxay salaadii cishaha.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa xilkan loo magaaabay bishii Janaayo ee sanadka 2017.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here