Dhageyso Cali Nuur Oo Aad Ugu Faraxsan Weerarkii Alshabaab Ay Ku Qaadeen Kolonyo Ciidamada AMISOM Oo Mareysay Gobolka Sh/hoose

Todobaadkii hore weerar lagu qaaday Kolonyo Ciidamada AMISOM oo mareysay inta dhexeysa Shalambood iyo Buulomareer waxaa lagu dilay tiro ka tirsan Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

 

Cali Nuure oo sheegto inuu yahay gudoomiye kuxigeenka dhanka Amniga gobolka Sh/hoose isla markaasina lagu tilmaamo shakhsiyaadka xiriirka dhow la leh kooxda AlShabaab ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da ku sheegay in toboneeyo ka mid ah Ciidamada Uganda lagu dilay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Kolonyada AMISOM ee mareysay deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in weerarkaasi loo dhigay ciidamada AMISOM uu ahaa shirqool lagu doonayey in lagu xasuuqo askarta howlgalka AMISOM. Waxay Saraakiisha dowladda ee gobolka Sh/hoose sheegeen in Alshabaab ay heshiis lagu xasuuqaayo ciidamada AMISOM la galeen horjoogeyaal ka tirsan guuto 3aad iyo guuto 5aad ee ciidamada dowladda oo ay ka mid yihiin Xasan Jaamici iyo Axmed Absuge.
SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here