Malaaqa Beelaha Hubeer Oo Sheegay In Beeshiisa Ay Isku Waafaqsan Tahay In Loo Dilo Gacan-ku-dhiiglihii Dilay Wasiir Cabbaas Siraaji(Video)

Malaaq Xasan Shurre oo ah Malaaqa guud ee beelaha Hubeer ee beelweynta Digil/Mirifle ayaa si kulul uga hadlay kiiska dilka Wasiirkii Howlaha Guud ee dowladda Federalka Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Siraaji. 

Malaaq Xasan Shurre wuxuu sheegay inaysan wax shaqo ah ku lahayn doodda iyo jahowareerka lagu furay dowladda federalka ee lagu doonayo in lagu baajiyo xukunka toogashada ee lagu fulinaayo gacan-ku-dhiiglihii dilay marxuum Cabbaas Siraaji.

Malaaqa Xasan Shurre ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay wadahadal kula jiraan beesha gacan-ku-dhiiglaha uu ka dhashay ee Habargidir taasi oo dooneyso inaan la fulinin xukunka maxkamadda ay ku ridday gacan-ku-dhiigle Caydiid.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here