Xildhibaanad Samra Cumar Oo Si Adag U Beenisay In Ciidamo Ilaaladeeda Ay Shaley Dad Shacab Ah Ku Dileen Muqdisho

Xildhibaan Samra Cumar ayaa si kulul u beenisey in ciidamo Ilaaladeeda ah ay shaley dad ku dileen magaalada Muqdisho xilli uu socday banaan bax ay wadeen darawalada mooto bajaajta.

Warbaahinta qaar ayaa shaley baahiyey warar sheegaya in Ilaalada Xildhibaan Samra Cumar ay degmada Hodan ku dileen labo dhalinyaro ah oo ka qeyb qaadanayay banaanbaxii ay samynayeen darawalada Mooto Bajaajta.

Xildhibaan Samra Cumar oo aad u yaabban ayaa sheegtay in wararkaasi la baahiyeen ay yihiin kuwo been abuur ah isla markaasina xafiiskeeda ay joogtay xiliga banaanbaxyada ay ka socdeen isgoyska KM-4, waxay sidoo kale xildhibaanad Samra caddeysay in gaarigeeda iyo ilaaladeeda aysan shaley oo dhan tagin goobta la sheegay in dilka uu ka dhacay.

“Waxba kama jiraan waaye ilaaladeeda wax dil ay geysteen ma jirto, meesha la sheegayana ma tagin, gaariga la sheegayana ma aanan wadin, aniga iyo istaafkeyga shaqada joognay, meesha banaan baxa uu ka dhacayna dhowr bilood ka hor ayaa igu dambeysay” ayay tiri Xildhibaan Samra oo warbaahinta la hadashay.

Kiiska Dilka ah ee dusha laga saarayo Xildhibaanad Samra Cumar ayaa waxa ka dambeeyo siyaasiyiin ka soo horjeedo xukun dil ah oo labo maxkamad ay ku rideen gacan-ku-dhiiglihi dilay Wasiirkii howlaha Guud Cabbaas Siraaji iyadoo la ogsoon yahay in xildhibaanad Samra ay ka soo jeedo beelaha Digil/Mirifle oo uu ka dhashay marxuum Cabbaas Siraaji.

Dowladda Federalka ayaan weli ka hadlin kiiska waxay inay ka laabato xukunka lagu riday dable Caydiid oo ah

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here