Akhriso Shirkadda Turkiga Ah Ee Gacanta Ku Hayso Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Ayaa Qoraal Cabasho Ah Ka Soo Saartay Ciidamo Hub La Soo Galo Garoonka

shirkadda Turkiga ee Favori oo gacanta ku hayso garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa cabasho xoog leh ka soo saartay hub lala soo galay gudaha garoonka diyaaradaha.

Qoraal cabasho ah oo uu soo saaray Madaxa Amniga u qaabilsan shirkadda Favori Hakan AYDIN ayaa waxaa uu ku sheegay in askari Soomaali ah oo hub la soo galay garoonka uu khalkhal amni ka dhex abuuray garoonka.

Hakan AYDIN ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Sarkaal Boolis ah oo ay u xirneyd Bastoolad uu isku dayay inuu ka gudbo Qalabka Metal Detectors-ka(X-ray) balse Ilaalada shirkadda Favori ayaa celiyay sarkaalkan isla markaasina ku amray in Bastoolad aan lala geli karin garoonka. Arintan waxaa ka dhashay muran  iyo aflagaado dhex martay Sarkaalka iyo ilaaladii shirkadda, iyadoo ay gaartay heer Bastoolad la isla baxo, lana isku hanjabo.

 

Hoos ka akhriso qoraalka uu hay’adaha DF u diray Hakan AYDIN

favori-llc

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here