Madaxweynaha Maamul Goboleedka HirShabeelle Oo Xilka Laga Qaaday

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle ayaa sheegaya in xildhibaanada Baarlamaanka maamulka HirShabeelle ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweynaha maamulkaasi Cali Cabdulaahi Cosoble.

Waxaa u codeeyey xilka-qaadista Madaxweyne Cosoble 68 xildhibaan waxaana ka soo horjeestay afar xildhibaan oo kaliya.

Maamulka HirShabeelle ayaa galay Qalalaase siyaasadeed iyadoo maalmahanba ay soo jiitamaayeen abaabulka xilka looga tuurayey madaxweynaha maamulkaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here