Akhriso Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Jawaabay Eedeymo Uga Yimid Danjire Michael Keating

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeymo ka yimid Wakiilka Xoghayaha guud ee QM danjire Michael Keating. Danjirey Michael Keating ayaa walaac ka muujiyey in gudiga dib u eegista dastuurka aan laga qayb gelinin Haweenka ka tirsan Aqalka Sare.

“13 Senator haween ah ayaa ka tirsan Golaha Aqalka Sare oo tiradiisa guud ay tahay 54 Senator, hal senator Haween ah kaliya ayaa isku soo sharaxday inay gudiga dib u eegista Dastuurka ka mid noqoto balse nasiib darro ma aysan helin codad ku filan, doorashada gudiga waxay u dhacday si cadaalad ah oo aan wax is dabamarin ku jirin” ay lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Hoos ka akhriso Qoraalka Cabdi Xaashi

Aqalka Sare-page-001

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here