Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Oo Ku Dhawaaqay Qodobo Lagu Kari Waaye Xasan Daahir Aweys(Video)

Mukhtaar Roobow Cali ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay qodobo laga rabo inuu ku dhawaaqo horjooge kasto oo Alshabaab ka soo baxo. Odeyga xagjirka ah Xasan Daahir Aweys ayaa lagu kari waayey inuu ku dhawaaqo qodobadii laga doonayey taasoo uu ku muteystay inuu sii xirnaado.

 

Hoos ka akhriso Khudbadda Mukhtaar Roobow uu ku caddeeyey inuu kaga baxay ururka Alshabaab.

Anigoo ah Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kana mid ahaa asaasayaashii Alshabaab, soona noqday ku xigeenkii madaxa Alshabaab waxaan u cadeynaya dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo dhan qodobada soo socda:-

1- In aan ka baxay xubina ka aheyn ururka Alshabaab muddo 5sano iyo 7bilood ah, sababta aan uga baxayna ay tahay kala duwanaan fahan iyo khilaaf caqiido ku qotoma oo ku saabsan arrimo aanan diinta, dadka iyo dalka u adeegaynin.

Markii aan ka tegay kooxda dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayeen in ay i dilaan, balse Alxamdulilah waan ka guuleystay

2-Waxaan u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka kaalintii ay ku lahaayeen in Heerkan wax so gaaraan.

3- Waxaan cadeynaya inuu wadahadal noo socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo aan marti ugu ahay magaalada Muqdisho, Wadahadal kaasna aan ka fileyno natiijo iyo isfahan wax gal noqda Inshallah.

4-Waxaan marlabaad u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliyeed , Shacabkeeda iyo Madaxdeeda sida diiran ee la iigu soo dhoweeyay Muqdisho, anaga oo rajo ka qabna inaan u gogol xaarno Nabad waarta.

Wa Billaahi Towfiiq
Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here