Xaasaska Horjoogeyaal Alshabaab Ah Oo Tababar Lagu Siiyey Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sh/hoose(Sawiro)

Deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa tababar loogu qabtay tiro ka mid ah xaasaska horjoogeyaasha kooxda Alshabaab.

Tababarkan ayaa waxaa xaasaska Alshabaab lagu barayey Casharro la xiriiro qaabka haweenka Soomaalida ee ku dhaqan deegaanada ay Alshabaab maamulaan loogu qancin/tashkiilin lahaa inay guursadaan ragga u dagaalamo kooxda Alshabaab. Xaasaska Alshabaab ayaa lagu yaqaanaa inay ku faafaan guryaha ku yaallo degmooyinka ay kooxda ka taliso iyagoo raadinaayo gabdho ay tashkiiliyaan oo loo guuriyo horjoogeyaasha Alshabaab.

Jaamac Cabdisalaam oo ka mid ah horjoogeyaasha Alshabaab u qaabilsan Wacyi Gelinta iyo tashkiilinta dhalinyarada ayaa hadallo u jeediyey Xaasaska Alshabaab ee dhameystay tababarka.

Haweenka Soomaalida ee ku dhaqan deegaanada ay maamulaan Alshabaab ayaa ka fogaado inay dhexgalaan Alshabaab balse horjooyaasha kooxda Alshabaab waxay adeegsadaan farsamooyin lagu soo xero geliyo haweenka Soomaaliyeed. Alshabaab ayaa xaasaskooda u xilsaarto inay soo xero geliyaan haweenka Soomaalida ee aan rabin inay Alshabaab dhex galaan.

Hoos ka daawo Sawirada tababarka la siiyey Xaasaska Alshabaab oo ay baahisay Idaacadda Alfurqaan ee ku hadasho Afka Alshabaab.

Xaasaska Alshabaab0 Xaasaska Alshabaab3 Xaasaska Alshabaab2 Xaasaska Alshabaab1 Xaasaska Alshabaab

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here