Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibadda Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuum C/raxmaan Jaamac Barre oo habeenkii xaley ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka ku tilmaamay diblumaasi ruug caadaa ah oo daadaal iyo waqti dheer geliyey horumarinta xiriirka dalka Soomaaliya la leeyahay wadamo badan oo dunida miisaan ku leh.

“Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu ahaa shakhsi muddo dheer u soo shaqeeyey dalka, marnaba ma ilaawi doonno kaalinta uu ka qaatay kobcinta maqaamka iyo magaca Soomaaliya ay ku leedahay caalamka” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diraayo ehelka iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum C/raxmaan Jaamac Barre.

Cabdiraxmaan ayaa dowladdii kacaanka kasoo qabtay xilal kala duwan oo laga xusi karo Ra’iisul Wasaare K/xigeen, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda oo muddo kor u dhaafaysa 10 sano uu soo hayey.

Alle ha u naxariisto marxuumka, Jannadii Fardowsa Allah ka waraabiyo, annagana gadaashiisa Allah fitnada naga dhowro.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here