Mid Ka Mid Ah Dulaaliinta Kooxda Alshabaab U Qaabilsan Suuq Geynta Xoolaha Laga Soo Dhacao Shacabka Gobolka Sh/hoose Oo Fariin Soo Diray(Video)

Mid ka mid ah dulaaliinta kooxda Alshabaab u qaabilsan in xoolaha laga soo dhaco shacabka gobolka Sh/hoose geeyaan suuqyada magaalada Muqdishu ayaa fariin cabasho ah soo diray isagoo iska ku owrkacsanaayo magaca beesha Hawiye. 

Dhagar-qabayahn oo iska dhigaayo qof shacab ah oo ka cabanaayo ciidamada AMISOM iyo ciidamada ammaanka degmada Lambar50 ayaa waxay dad xoolaley ah oo ku dhaqan dhulka deexda ah ee gobolka Sh/hoose noo xaqiijiyeen inuu yahay nin dulaal ah oo Alshabaab kala shaqeyo inuu ku xiriiriyo Kawaanleyda xoolaha ku qalo Muqdisho si kooxda Alshabaab suuq ugu hesho xoolaha shacabka laga soo dhaco oo lacag loogu bedelo.

Sidoo kale, dadka aan la xiriirnay waxay noo sheegeen in ninkan bishii la soo dhaafay uu xoolo Geel u badan oo maleeshiyada Alshabaab ka dhaceen gobolka Sh/hoose ka kaxeeyey isla markaasina xoolahaasi gaarsiiyey Kawaanley ka ganacsato hilibka xoolaha oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha oo saldhig u ah dhaqar qabahan.

Dhanka kale, Kooxda Alshabaab iyo Mooryaan xoog ku haysto beero Aseendooyin ah oo gobolka Sh/hoose ku yaallo ayaa waayahaan dambe waxay dejiyeen Qorshe ah in dagaalada ay Kooxda Alshabaab kula jirto beesha Biimaal magac ahaan loo bedelo dagaal u dhexeeyo Biimaal iyo Hawiye isla markaasina Alshabaab dagaalkan dowrkooda uga qayb qaadato si firfircooni ah iyadoo rag beesha Hawiye ku abtirsado loo xilsaaray inay sheegtaan wixii dagaal oo dhexmaro Alshabaab iyo beesha Biimaal.

Sida aan ka soo xiganay ilo xog-ogaal ah oo gobolka Sh/hoose ku sugan, Kooxda Alshabaab oo adeegsaneyso shakhsiyaad la mid ah ninkan dhagarqabaha ah ay dhaqaale fara badan ka sameysay xoolaha laga soo dhaco shacabka isla markaasina loo iibgeeyo deegaano kale.

Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ayaa sanadkan gudahiisa beesha Biimaal ka bililiqeystay Geel tiradiisa kor u dhaafeyso Kun Neef isla markaasina dab qabadsiisay tuulooyin fara badan oo ku yaallo gobolka Sh/hoose.

Hoos ka daawo waxa uu sheegaayo Dulaalka Alshabaab u qaabilsan inuu xoolaha la soo dhaco ugu iibiyo Suuqyada Muqdisho

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here