Akhriso Maamulka HirShabeelle Oo Taageeray Xulufada Sacuudiga Ee Xiriirka U Jaray Dalka Qatar

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo dhowaan xilka ay ka qaadeen Baarlamaanka maamulkaas ayaa qoraal ka soo saaray Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dalka Qatar iyo dalalka Isbaheysiga la ah Sacuudiga.

Qoraalka oo ku qoran luqada English-ka ayaa lagu taageeray isbaheysiga Sacduudiga iyadoo dalka Qatar uu ku tilmaamay mid taageero u fidiyo argagaxisada ka dagaalanto Soomaaliya.

Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa waxaa ku furan qalalaaso siyaasadeed iyadoo Baarlamaanka maamulka HirShabeelle uu u kala jabay labo garab oo midkooda uu madaxweynaha taageersan yahay.

 

Cosoble

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here