Waxbadan Ka Ogoow Dhinacyada Wada Xalka Degmada Marka? Ma danbaa Misa Dib Udhac?

Waxaan qormadaan ugu talganay inaan ku iftiiminno xiisadda Gobolka Shabeelaha hoose maalmahan ka taagan, Maadaama ay socdaan dedaallo dhinac walba ah oo ay u muuqato in loo soo wada jeestay xalinta qilaafaadka Gobolka SH/HOOSE gaar ahaan Degmada Marka.

Dedaallada maalmahan socda oo dhinacyo badan leh waxaa ka mid ah meelaha ay ka socdaan dedaalladaan, Madaxtooyada Soomaaliya, Xafiiska wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka, dowladda goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaramada midoobe oo sabab u ah in ay dhamaan dhinacyadan usoo wada jeestaan arimaha Gobolka maadaama ay iyadu qarashka bixineyso.

Dhamaadka bishii aaynu soo dhaafnay waxaa jirtay warbixin ay soo saartay hayadda xuquuqul insaanka u dooda ee loo yaqaano human rights watch, oo ay ku sheegtay in 20,000 oo ka mid ah shacabka Beesha Biimaal ay ka barakaceen deegaanadii ay ka daganaayeen Gobolka shabeelaha hoose iyadoo sidoo kale sheegtay in ay dadkaasi ku barakaceen Gudaha Gobolka iyo caasimadda muqdisho.

Warbixintaas waa xogta rasmiga ah ay ku shaqeeyaan dhamaan hay’adaha qaramada midoobe waana halka ay go’aanka ka qaataan marka ay la macaamilayaan deegaanadaas,
Darafyada ku lugta leh xal u helidda dhibaatada Gobolka.

1. Madaxtooyada soomaaliya: Dowladda soomaaliya ayaa kulamo dhowr ah la qaadaty odayaasha iyo xildhibaanada kala dabqaata ee ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana odayaal iyo xildhibaano aan wax xiriir toos ah lalahayn shacabka dhibaatada ku dhexjira har iyo habeen ee Gobolka ku sugan balse xalka ayaa waxa ay ka eegaan hadba danahooda gaar ka ah; waxaana aad u adag in dadka deegaanka ay ku qancaan xalka ay keenaan maadaama dadka deegaanka ay waxbadan ka tirsanayaan odayaasha iyo xildhibaanada Xamar fadhiyo.

2. Wasaaradda arimaha Gudaha Federaalka: wasaaradu waxa ay fulineysaa hadafka xalinta khilaafka ee Dowladda Federaalka soomaaliya waxa ayna isugu yeertay odayaal Beesha Biimaal iyo kuw Habargidir ah, waxaana kulanka ka qeybgalay xildhibaano dhowr ah oo beesha Biimaal ka soo jeeda. Ciidamada Deegaanka iyo shacabkaba ayaa aad uga carooday kulamadaas Maadaama lagu dhex arkay dagaal-ooge Yuusuf Indhacadde iyo Cabdul Cilmi oo labaduba gacan ku dhiigle ah dadka deegaankana ku qasabtay in ay kalsoonidii kala laabtaan xildibaanadii ka qeybgalay iyo odayaashii la socday sida, Cabdalla Xuseen Cali, Cabdullahi sheikh ismaaciil iyo wiilka yare ee aqalka sare ku jira Xuseen Cali Xaaji.

3. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed: gudiga qaramada midoobe u qaabilsan xallinta degamda Marka ayaa laba goor Booqday caasimadda ku meelgaarka ah ee beydhaba waxaana ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka koonfur galbeed Maxamed Xassan Fiqqi, Fiqqi waxaa kulanka ku wehlinyay Cabdi naasir caruush oo ka mid ah dadka colaadda ka hurinaya Gobolka shabeelaha Hoose mana laga yaabo in aragti dan u ah beesha Biimaal in uu kulanka Ka dhiinto, balse Fiqqi ayaa laga rabaa in uu dadkiisa codkiisa ugu hiilliyo kartina isku yeelo masuulna ka yahay qorshaha koonfur galbeed dejineyso ee ku aadan xalinta degmada marka, qorshahaas haduu dadka deegaanka wax udhimana waxaa eedeedda dusha saran doona Fiqqi.

4. Odayaasha Gobolka Ku sugan oo isku dayaya in ay tala ku yeeshaan arimaha gobolka ka taagaan, waana lama huraan in taladooda la tixgeliyo mana ahan in ay aqbalaan in dhibaatada ay habeenkasta ku seexdaan subixiina ku soo toosaan xalkeedana ay banana joog ka noqdaan oo ay u dhiibtaan odayaal dhuuni raac ah oo hoteelada xamar ku raaxeysta.

5. Hogaamiye Waafoow: waa qaa,idka Ruuxiga ee shacabka shabeelaha hoose waana ninka leh Go’aanka ugu danbeeyo ee xalinta gobolka shabeelaha hoose waxa uu ku suganyahay degamada Beydhaba. Waxaa haboon in uu iska ilaaliyo qiyaano loo soo maleeego oo aboodiisa lagu daciifiyo, waana in uu ku taagnaada rabitaanka shacabka iyo ciidanka beesha Biimaal waana waqtigii uu guran lahaa mirihii uu duurka u galay maadaama talada gacantiisa ay ku jirto .

Waafoow: waa ninka kaliyah ay udhega nugulyihiin shacabka iyo ciidanka beesha biimaal waana in uu dadkiisa u hurseedaa xuriyad iyo nabad isagoo talagelinaya ciidanka iyo odayaasha Gobolka ku sugan ee mudada dheer la soo jihaadayay ee uusan noqon mid talada aanan beydhaba soo dhaafsiin talada guud ee Beesha halkaasina heshiis looga saxiixdo, lkn kuma ogi Waafoow Jileecaas iyo nin si fudud heshiis looga saxiixankaro si shacabkiisa iyo deegaankiisa loo dhaxal siiyo dadkale.

6. Odayaal badan oo xamar shirar uga socda: kuwaas oo hadda ku soo dhiiraday in ay ka taliyaan aayaha beesha waxaana hogaaminaya Ibraahim Cabdullahi Cadow, balsa waxaa haboon in taladooda oo qoraal ah in ay geeyaan xafiisyada ay ka socoto dedaallada nabadeed sida, qaramada midoobe, beydhaba si shariifka ay ula kulmaan, madaxtooyada iyo wasiirka arimaha gudaha, shacabkana gobolkana ay ku wacyigeliyaan isku duubni iyo in ay guusha dhawdahay.

Ugu dambeyntii ma ahan markii ugu horeysay ee isku day Xal loogu raadinayo Shabeelada hoose uu dhaco, talo walba iyo qorsho walba oo laysku soo raaco, dhaqangelin ayeey u baahan tahay shacabka deegaanka iyo ciidankana waxa ay awood u leeyihiin in ay iska diidaan wixii aanan dan u ahayn Dadka iyo Deegaanka si loo helo wada noolaasho Xasilooni iyo kala dambeyn, Nabad iyo cadaalad.

Waxaa Qore: Mr. Wadiidaaye                                                                                                             Xog-ogaal Arimaha Deegaanka Shabeelaha hoose.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here