Madaxweyne Farmaajo Oo Magaalada Qaahira Kula Kulmay Sheykul Azhar Dr. Axmed Al-tayyib (Sawiro)

Sheykha Jaamacadda Al-Azhar Dr. Axmed Al-tayyib ayaa qaabilay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Masar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amaanay dowrka Culumada Jaamacadda Azhar ay ku leeyihiin Faafinta Manhajka saxda ah ee Diinta Islaamka taasoo xakameyneyso afkaarta xagjirnimada ku saleysan ee waayahaan dambe aafo ku noqotay dunida Islaamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u qadariyaan Culumada Azhar oo kaalin mug leh ka soo qaadatay horumarinta Tacliinta Soomaaliya.

Dhanka kale, Dr. Axmed Al-tayyib ayaa madaxweyne Farmaajo ugu hambalyeeyey guushii uu ka gaaray doorashadii sanadkan ka dhacday Soomaaliya taasoo madaxweynaha Soomaaliya loogu doortay Maxamed C/laahi Farmaajo.

Hoos ka daawo kulanka

Famaajo at Azhar Famaajo at Azhar1 Famaajo at Azhar2

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here