Aabaha Dhalay Wasiirkii La Dilay Cabbaas Siraaji Oo Madaxda Dowladda Ka Dalbaday In Loo Qisaaso Gacan-ku-dhiiglihii Dilay Wiilkiisa(Video)

Aabe C/laahi Sheekh Siraaji oo ah Aabaha dhalay Wasiirkii howlaha Guud ee dowladda federalka Cabbaas C/laahi Sheekh Siraaji oo bishii May ee sanadkan lagu dilay Muqdisho ayaa madaxda dowladda federalka ka dalbaday in loo qisaaso gacan-ku-dhiiglihii dilka fuliyey.

Marxuum Cabbaas Siraaji waxaa dilay dable Axmed Caydiid oo ilaalo u ahaa Hanti-dhowrkii xilka laga qaaday ee dowladda federalka Nuur Faarax oo la sheegay inuu muran la xiriiro dhul ku yaallo magaalada Muqdisho kala dhexeeyey marxuum Cabbaas Siraaji.

Sidoo kale, hooyada dhashay marxuum Cabbaas Siraaji oo lagu magacaabo maamo Xaliimo Salaad Fiille ayaa iyadana muuqaal ay soo dirtay dowladda uga codsatay in la fuliyo xukunka maxkamadda ciidamada ay ku riday dable Axmed Caydiid oo ah gacan ku dhiiglaha dilka u geystay wasiir Cabbaas Siraaji. DAAWO maamo Xaliimo Salaad.

Odeyaal  ka tirsan Beesha Habargidir ee uu ka dhashay gacan-ku-dhiiglaha dilay marxuum Cabbaas Siraaji ayaa dowladda digniino u marsiiyey warbaahinta iyagoo ku hanjabay in fulinta xukunka lagu riday dable Axmed Caydiid ay dowladda u horseedi doono cawaaqib xumo iyo qalalaaso ka dhaco magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo Aabe C/laahi Siraaji oo codsi u diraayo madaxda dowladda

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here