Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobolka Sh/hoose Oo Maanta Kormeeray Wadada Isku Xirto Degmooyinka Afgooye Iyo Lambar50 (Sawiro)

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta kormeer ku sameeyey amniga wadada dheer isku xirto degmooyinka Afgooye iyo Lambar50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Najax, gudoomiye kuxigeenka dhanka Maaliyadda gobolka Sh/hoose C/fataax Cabdulle iyo gudoomiyaha degmada Lambar50 C/laahi Waafow ayaa horkacaayey mas’uuliyiinta kormeerka ku sameeyey jidkaasi oo muddo dheer xiran.

Mas’uuliyiinta gobolka Sh/hoose ayaa ku howlan sidii wadadan dhowaan loo howlgelin lahaa isla markaasina la isugu furi lahaa isusocodka shacabka gobolka Sh/hoose.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa xiligan ka socdo howlgallo maleeshiyada Alshabaab looga ciribtiraayo dhammaan degmooyinka gobolka.

Waafow iyo Najax1 Waafow iyo Najax2 Waafow iyo Najax3 Waafow iyo Najax4 Waafow iyo Najax5

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here