Wasiirka Dastuurka Dowladda Federalka Oo La Kulmay Gudiga Dib-u-eegista Dastuurka Ee Baarlamaanka Federalka

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa wuxuu kulan la qaatay Guddiga Baarlamaanka Labada Aqal ee qaabilsan Dib u eegista Dastuurka dalka Somalia.

Kulanka dhexmaray Gudoomiyaha Guddiga dib u eegista dastuurka Cabdi Cawaale Qaybdiid iyo Wasiir Xoosh Jibriil ayaa ka dhacay xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka federalka Somalia.

Dastuurka Soomaaliya ayaa u baahan in afti dadweyne loo qaado marka la dhameystiro, waxaa waajib ah in aftida dadweyne ay ka mid noqdaan dadka deggan gobolada la dhihi jiray Waqooyiga Somaliya(Somaliland) oo xiligan ay aad u adag tahay inuu booqdo mas’uul ka socdo dowladda Soomaaliya ee fadhigeeda yahay Muqdisho.

“Anaga markii aan la wareegnay xilka Wasaaradda waxaan go’aansanay in aan biloowno u diyaar garowga Geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka, waxa aan kulamo wadatashi ah ku qabanay qaar kamid ah dawlad goboleedyada oo aan ka dhageeysaneynay ra’yiga shacabka ee ku aadan Ololaha dib-u-eegista Dastuurka ee dalka ka bilaabmi doona sanadkan” ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Dhanka kale, Cabdi Qaybdiid oo ah gudoomiyaha gudiga dib-u-eegista Dastuurka  ayaa C/raxmaan Xoosh uga mahadceliyay hawlaha ay Wasaaraddiisa qabatay, waxaa uuna u balanqaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan si dadka Soomaaliyeed ay u heelaan Dastuur dhameeystiran ka hor doorashada madxweyne ee qabsoomi doonto sanadka 2020.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here