Dufcadii Ugu Horeysay Ee Ciidamada Turkiga Oo Maanta Soo Gaartay Magaalada Muqdisho(Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray dufcadii ugu horeysay ee ciidamada Turkiga ee la dejiyo saldhigga weyn ee ciidamada Turkiga looga dhisay duleedka magaalada Muqdisho taasi oo dhowaan xarigga laga jari doono.

Tirada ciidamada Turkiga ee maanta soo gaaray ayaa lagu sheegay ku dhowaan 150 askari kuwaasoo horudhac u ah ciidamo kale oo dhowaan lagu soo daabuli doono saldhigga ciidamada Turkiga ka dhisteen duleedka Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in horaanta bisha September uu Soomaaliya yimaado madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Taliyaha Ciidamada Turkiga Hulusi Akar si ay xarigga uga jaraan saldhigga cusub ee dalka Turkiga ka sameysteen geeska Afrika.

Turkish Military Base in Somalia3 Turkish Military Base in Somalia2 Turkish Military Base in Somalia1 Turkish Military Base in Somalia

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here